Xiddiga TikTok Bilaal Bulshaawi ayaa toogasho ku dhaawacay magaalada Muqdisho

Xiddiga TikTok Bilaal Bulshaawi ayaa toogasho ku dhaawacay magaalada Muqdisho


Fiidnimadii Jimcaha ayaa rag hubeysan waxay dhaawaceen Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah baraha bulshada, wuxuuna sidoo kale isu caleema saaray inuu noqdo madaxweynaha Tiktok ee Soomaaliya.


Weerarka ayaa ka dhacay wadada Banaadir, gaar ahaan Maqaayada Casri, waxaana fuliyay labo nin oo bistoolado ku hubeysnaa.


Bilaal ayaa hadda la dhigay isbitaalka Digfeer oo ku dhow halka uu dhaawacu ka soo gaaray, waxaana rasaasta ay ka haleeshay madaxa sida wararka qaar ay sheegayaan.

Bilaal Bulshaawi waxa uu caan ka ahaa Tiktok,waxana ku xidhnaa boqolaal kun oo qof,waxana uu ahaa nin aad ugu firfircoon arrimaha bini’aadantinimada.


Kooxda weerarka geysatay ayaan la qaban, goobta ay toogashadu ka dhacday ayaa ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.  Ilaa hadda lama garanayo cidda soo weerartay tik tokerka.

Post a Comment

Previous Post Next Post