Al-shabaab ayaa ku dilay ku dhawaad 20-qof, 7-gaari oo kuwa dagaalka ah ku gubtay saakay oo Sabti ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Afar gaari oo siday badeecooyin iyo saddex basaska yar yar ee rakaabka ayaa lagu gubay meel u dhow degmada Maxaas ee fog fog.
"Rakaab waa la dilay, waa la dhaawacay ama si dirqi ah ayay lug ku baxsadeen," guddoomiyihii hore ee gobolka Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa u sheegay wakaaladda wararka dpa. "Qoysasku waxay raadinayeen kuwa ay jecel yihiin saaka."
Kolonyadan ayaa la sheegay in ay galbinayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Weerarada Al-Shabaab ayaa sii kordhaya
Weerarkan ayaa imaanaya ku dhawaad hal bil kadib markii Al-shabaab ay gudaha u galeen hotelka caanka ah ee magaalada Muqdisho oo ay dad ku qafaasheen. Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay weerarka iyo israsaasayn socotay muddo 30 saacadood ah.
Maxamed Baakaay oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay 48-kii saac ee la soo dhaafay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ku sugan deegaanada ku teedsan Hiiraan iyo gobolka Galgaduud ee deriska la ah. Maamulka deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay helay oo burburiyay miinooyin Al-Shabaab ay ku aasnaayeen.
"Maleeshiyaadku waxay bambaanooyin ku burburiyeen dhowr ceel oo riigag ah waxayna dab qabadsiiyeen guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla in ka badan siddeed tuulo oo labada gobol ah," ayuu yiri Baakaay.
Al-Shabaab ayaa muddo toban sano ka badan dagaal kula jirtay dowladda dhexe ee Soomaaliya. Waxay doonaysaa inay samaysato xukun u gaar ah oo ku salaysan fasiraad xad dhaaf ah oo shareecada Islaamka ah.
"Al-Shabaab waxa ay arrimahan oo dhan u sameynayaan si ay naloogu dhiibaan," ayuu yiri Faarax Aadan oo ka mid ah odayaasha deegaanka oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. "Laakin waligeen isku dhiibi mayno al-Shabaab ilaa inta naf nagu jirto."
kuwas dadka allaha ka qabto
ReplyDelete