Barcelona ayaa mudnaanta siisay bixitaankii ciyaartoydeedii la tuuray maalmihii la soo dhaafay, Axadii, Bournemouth ayaa xaqiijisay saxiixa Neto, kaasoo beeca xorta ah ku yimid kooxda reer England.
Taas ayaa la macno ah in Barcelona ay ka takhalusto mushaharka goolhayaha laakiin wax lacag ah oo ay ku iibiso ma hesho ama ay bixiso magdhow.
Goolhayaha ayaan ku jirin qorshaha Xavi Hernandez kaas oo haysta Marc-Andre ter Stegen iyo Inaki Pena.
Neto, oo 33 jir ah, ayaa kooxda ku soo biiray xilli ciyaareedkii 19/20 isaga oo kaga soo biiray kooxda Valencia, inkasta oo uu tayo ahaan lahaa, waligiis kuma guulaysan in uu door ku bilowdo Ter Stegen.
Xiddiga reer Brazil ayaa kaliya 21 kulan u saftay kooxda reer Catalan tartamada oo dhan 3-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.
Goolhayaha reer Brazil oo aan wax tababar ah la qaadan kooxda Barcelona tan iyo jimcihii hore sababta oo ah waxa uu fasax u haystay in uu xidho bixitaankiisa oo aan looga yeedhin Gamper ayaa haatan ku wajahan England.
Waxa uu heshiis la gaaray Bournemouth, oo dhawaan u soo dalacday Premier League.
Marka laga soo tago LaLiga Santander, Neto wuxuu sidoo kale ka soo ciyaaray Serie A halkaasoo uu ugu soo ciyaaray Fiorentina iyo Juventus.
Dib u habaynta kooxda
Maalmihii ugu dambeeyay, marka laga soo tago Neto, Oscar Mingueza iyo Riqui Puig ayaa sidoo kale soo afjaray waqtigooda Barcelona.
Xavi ayaa dib u habeyn ku sameynaya qolka labiska, xiddiga reer Brazil ayaana horey ugu jiray liiska suuqa kala iibsiga ee ugu dambeeyay.
Si kastaba ha ahaatee, machadka Catalan waa inuu wali la tacaalaa bixitaannada Martin Braithwaite iyo Samuel Umtiti, iyo kuwa kale.
