Sheeko xiiso badan Alla tacab keygii qasaar!!


Sheeko xiiso badan Alla tacab keygii qasaar!!

Sahra waxa ay la noolayd hooyadeed iyo aabbaheed marki ay noqotay  gashaati waxaa soo doontay wiil lagu magacaabo Farxaan.

Kadib markii uu guursaday Sahra waxa uu bartay maan-dooriye sida Qaadka iyo Sigaarka waxa uu la soo baxay dhaqan cusub oo aanay  horay uga baran.

Marka uu bilowga ku ahaa wuu bixin jiray lacagta haba kala reebtee laakiin marka uu balwada ku saaqday jirkiisa, noqotayna wax dhiigiisa ku shaqeeyo “ wax uu san ka marmi Karin”. Mar haddii uu meesha yimaado maan dooriye waxaa shaki ku jirin inta badan waxaa luma maanka qofka uu ku xisaab tami lahaa, uguna fikiri laha mas’uuliyadda saaran.


Waqtigu wuxuu uu sii cararaba (isgura)  waxa uu awood u yeelan waayay bixinta biilka guriga iyo caanaha ubadkiisa, qadaadiicda yar uu soo helana waxaa uu lafariisan jiray  bacda qadka uu horay usoo mari jiray”  ilmihiisa oo qadaya ayuu isagu qayili jiray


Hooyo Sahra talo ayaa ku ciirsan  arintiina faraha way ka baxday ilmihii caano ayay ka rabaan, dhuuntana wax lamariyo kirada guriga, koranta iyo biyahanu usii dheeryihiin.


Hooyo Sahra ninkaan kama tagi karto dhasheedii ayaa dayacmeyso ugu dambeyn waxa ay xaajaddu isku cakirnaato,waxaa u cuntami waysay marxaladda qoyskeeda.  Talada markii ay gorfeysay waxa ay go’aan ku gaartay ugu dambeyn in ay xaraashto “iibiso” farantigeeda iyo dhagaha ay xirnayd oo gurigeeda kala timid kadib waxa ay bilowday in ay miis yar qudaar ku iiibiso si ay nolol maalmeedkooda uga ugu raadiso.cadka kasoo go’ay 


Nasiib darro hooyo sahra wilkeeda waxa uu bartay muqaadaradkii aabahooda farxaan siduu hortooda ugu cunaaye, illeen guriga qof kale ma joogto oo ka celinaayo. Mar ay xeer iyo fandhaal kala dhacday ayay ogaatay.


Hooyo sahra ilaa hadda waxaa qabo farxaan oo ah “ninkii muqaraadka cunaaye” kaliya magaca ahaan ayuu u qaba, kuma hesho masruuf  xitaa kama hesho xuquuqda naag ninkeeda ku leedahay.


Hooyo Sahra ayaa waxa ay dhahday gabadheydii hadda maxaa dhaama marwo ninkeeda ka dhinta  oo ilmo agoon korsaneyso ama garoob lasoo furay oo ilmaheeda ayada dhaxda u xeratay. Kaliya dadkaan waxaa inoo dhaxeeyo magac kaas oo waa la qabaa.  Abwaan Bashiir-Balcad ayaa yiri;


Qayilow cun 

Reerkana qadi

Qaadow adigaa leh


Inta qooys uu qaadka burburiyay ma aha mid lasoo koobi karo, waxaa jira hooyooyin kale oo heysta dhibta sahra iyo mid kadaran oo uu sababay cagaarka ay cunayaan. 

Iyo carruur badan oo noloshooda galaafsaday sida oo kale qaadka aya waxa uu sababay furiinka qoyska midka oo labada dhinac iyo ubadka ku dayacma sidaasna uu asaga ku noqda mid noloshada ka dhaca darbi jiif.



W/Q:sundus muuse Afeey

Post a Comment

Previous Post Next Post