Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka degay dalka Tanzania

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka degay dalka Tanzania

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.


Madaxweynaha ayaa ku biiri doona Madaxda Waddamada Bariga Afrika ee Dib-u-celinta Heerka Sare ee Suuqa Guud iyo Shir Madaxeedka 22-aad ee Caadiga ah si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay xubin ka noqoto ururka EAC.


Villa Somalia ayaa sheegtay in madaxweynaha uu la hadli doono madaxda ku shirsan magaalada Caruusha si ay uga mid noqdaan ururka Bariga Afrika ee EAC, taasoo haddii ay suurtagasho faa’iido u yeelan doonto shacabka Soomaaliyeed.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo marti-qaad gaar ah ka ah Shir-madaxeedka, ayaa waxaa ku qaabilay EAC SG Peter Mutuku Mathuki Shir-madaxeedka Sare ee Suuqa Guud ee EAC oo ka dhacaya magaalada Arusha ee dalka Tanzania.


Soomaaliya ayaa billowday hannaanka ay uga mid noqonayso EAC sannadkii 2016-kii, waxayna weli sugaysaa in la xaqiijiyo ururka ganacsiga ee ka kooban Tanzania, Uganda, Kenya, DR Congo, South Sudan, Burundi, iyo Rwanda.

Post a Comment

Previous Post Next Post