Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Tanzania si uu uga qeybgalo shirka jaaliyadda Bariga Afrika

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Tanzania si uu uga qeybgalo shirka jaaliyadda Bariga Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Caruusha ee dalka Tanzania uga qeyb galaya shirka wadamada Bariga Afrika.


Madaxweynaha ayaa inta uu joogo waxa uu la socodsiin doonaa madaxda dalalka EAC fursadaha dhaqaale ee dalkiisa, gaar ahaan maalgashiga Shidaalka, Gaaska, Beeraha iyo Xoolaha.


“Madaxweynuhu waxa uu muhiimad weyn siinayaa horumarinta dhaqaalaha dalka iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka faa’iidaysan karto iskaashiga EAC, taasoo u ogolaanaysa shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iidaystaan ​​fursadaha dhaqaale ee ay abuureen ku biirista bulshada Bariga Afrika.  ” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.


EAC waxay ka kooban tahay 7 wadan oo leh hal baasaboor iyo suuq muhiim ah.  Xubnahan ayaa kala ah DR Congo, Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda, iyo Tanzania.


Soomaaliya ayaa sanadkii 2016 u gudbisay codsi ah in ay ku biirto EAC, si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda dalku ma uusan gaarin hadafkii laga lahaa.

Post a Comment

Previous Post Next Post