Laftagareen: Waxaa la xiray maskaxdii ka dambeysay weerarkii Baydhabo lagu qaaday wasiirkii cadaalada ee gobolka

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, C/casiis Maxamed Lafta-gareen, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen mid ka mid ah raggii ka dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Jimcihii lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda ee Maamulkaasi oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Wareysi uu Isniintii siiyay BBC Somali, ayuu Laftagareen ku sheegay inuu rajo weyn ka qabo in la xiro ama la dilo maleeshiyada kale ee Al-Shabaab ee mas'uulka ka ah weerarka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa walaac ka muujiyay qaraxyada ku soo badanaya deegaanada maamulkiisa.

"Qaraxyada Al-shabaab ee ka dhacay dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed waxay ahaayeen kuwo la doonayay in lagu weeciyo dareenka dowlad-goboleedka si loo xoojiyo howlgallada lagu sugayo ammaanka ee ka dhanka ah maleeshiyada," ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in maamulku uu hadda wado qorshe uu ku wajahayo weerarradaas.

Wasiirkii Cadaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur iyo wiil uu dhalay ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo Jimcihii ka dhacay magaalada Baydhabo, wax yar kadib markii ay ka soo baxeen Masjid.

Ugu yaraan 11 qof oo kale oo uu ku jiro wiil kale oo uu dhalay wasiirkii geeriyooday ayaa si xun ugu dhaawacmay weerarka, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

Post a Comment

Previous Post Next Post