Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Caruusha ee dalka Tanzania uga qayb-galay shir-madaxeedka dalalka Bariga Afrika ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Caruus ka gudbiyay codsi ah in Soomaaliya ay ka mid noqoto ururka EAC maadaama ay Soomaaliya ka ciyaari karto horumarinta ururka iyo guud ahaan dhaq dhaqaaqyada ganacsi ee gobolka.
Madaxweynaha ayaa kulammo la qaatay madaxdii ka soo qeybgashay shir madaxeedka si uu u xoojiyo ololihiisa ku aaddan ansixinta codsiga Soomaaliya ee ah in ay xubin ka noqoto dalalka Bariga Afrika.
Soomaaliya ayaa dadaal buuxda ugu jirta sidii loo dhaqan gelin lahaa codsiga loo gudbiyay Ururka Bariga Afrika ee EAC sanadka 2016-ka.
Hannaanka ay Soomaaliya uga mid noqonayso Bulshada Bariga Afrika ayaa qaadan karta waqti in la ansixiyo maadaama ay jiraan shuruudo badan oo lagu biirin karo EAC.
